Bayern Munich-(Idaacadda Waamo) Tababaraha Kooxda Bayern Munich ee Hansi Flick ayaa Ka Hadlay Wararka Xiddiga Thiago Alcantara Lal xiriirinaya Kooxda Liverpool Kadib Ku Guulaysigii Bayern ee Champions League.
Thiago Alcantara ayaa Kusoo Bilowday Shaxda Bayern Munich ee Kulamadii Adkaa Waxana ay dad Badan Filayeen in uu Noqdo Kulankiisii ugu Dambeeyay ee Kooxda Bayern Munich.
Kooxda Liverpool ayaa ugu Cad-cad Saxiixa Xiddiga Thiago Alcantara ee 29 Jirka ah iyada oo La Filayo in ay Kooxda Ku Guulaystay Horyaalka in ay Kor u Qaado Dadaalooda Kadib Markii uu Dhamaaday Xilli Ciyaareedka Bayern.
Laakiin Tababaraha Bayern Munich ee Hansi Flick ayaa Ka Nixiyay Taageerayaasha Liverpool Kadib Markii Wax Laga Waydiiyay Mustaqbalka Xiddiga intii uu Ku Jiray Shirkii Ka Dambeeyay Kulanka Finalkii Champions League.
“Maya, Waxa uu ii Sheegay in uu Doonayo in uu Sii Joogo”ayuu Ku jawaabay Markii Wax Laga Waydiiyay in uu Thiago Ka Tagayo Kooxda Xagaagan.