Manchaster United-(Idaacadda Waamo) Wakiilka Xiddiga Khadka Dhexe ee Paul Pogba ee Mino Raiola ayaa Xaqiijiyay in uu Xiddiga Khadka Dhexe Sii Joogi Doono Kooxdiisa Man United Waliba Dhawaan Bilaabi Doono Wadahadalada Heshiis Kordhin Cusub oo uu Kooxdiisa Siinayo.
Xiddiga Koobka aduunka Kula Guulaystay Pogba ayaa Soo Qaatay Wakhti adag Xilli Ciyaareedkii Dhamaaday Sabab La xiriira Dhaawacyo Badan Soo Wajahay Xidiga Laakiin Waxa uu Xilli Ciyaareedka Ku Dhamaystay Si Fiican.
Mino Raiola ayaana Sheegay in ayna Man United iibin Doonin Xiddiga inta Lagu Jiro Suuqa Kala iibsiga Xagaagan.
“Paul Pogba Waa Xiddig Muhiim u ah Kooxda Man United, Waxa ay Dhisayaan Mashruuc Muhiim ah 100% isaga ayaa Ka mid ah”ayuu u Sheegay Sky Sport.
“Man United ma iibin doonto Pogba xagaagan, waxa aan dhawaan Ka Wada Hadli Doonaa Sidii Heshiis Cusub uu Usiin Lahaa Kooxiisa , Hadana Wax dhib ah Ma jirto”.