Halyeey Man United ah oo taageera u muujiyay De Gea

0
345

Manchester(Idaacadda Waamo)Halyeey kooxda Manchester United ah ayaa muujiyay taageerada uu u hayo goolhayaha reer Spain ee  David de Gea, kaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay la kulmay dhaleeceyn la xiriirta hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa.

Khaladaadka David de Gea ayaa ku kallifay maamulka kooxda Manchester United inay ka fiirsadaan soo celinta goolhayahooda da’ada yar ee Dean Henderson oo amaah ahaan ku jooga naadiga Sheffield United.

Maamulka Manchester United ayaa waxay qorsheynayaan inay xoojiyaan awooda kooxda si ay ugu tartamaan xilli ciyaareedka soo socda horyaalka Premier League iyo tartanka Champions League.

Haddaba wargeyska “Daily Mail” ee dalka Engaland ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Rio Ferdinand, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

David de Gea wuxuu leeyahay awood uu dib ugu laabto meeshii uu ku sugnaa”.

“Wuxuu sanadihii la soo dhaafay muujiyay inuu yahya goolhaaye heer sare ah, isagu haatan waa inuu helaa fasax isbuucyo yar ah, si uu markale ugu soo laabto diirad saarida”.

“De Gea wuxuu leeyahay maskax uu dib ugu laaban karo, si uu markale u gaaro heerkiisa, waxaan u maleynayaa inuu noqon karo ciyaaryahan weyn ee kooxda Man United ah, laakiin wuxuu u baahan yahay inuu mar kale taas caddeeyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here