Madaxweynaha kooxda Inter Milan oo ka hadlay guuldarradii ay xalay kala kulmeen Sevilla

0
370

Yurub(Idaacadda Waamo)Madaxweynaha kooxda Inter Milan ee Steven Zhang ayaa niyad-sami ka qaba mustaqbalka Nerazzurri, inkastoo kulankii xalay ee finalka UEFA Europa League ay guuldarro kala kulmeen naadiga reer Spain ee Sevilla

Kooxda Sevilla ayaa ugu dambeyntii xalay ku guuleysatay koobka UEFA Europa League kaddib markii ay ku garaacday naadiga reer Talyaani ee Inter Milan 3-2, kulankii Finalka ahaa ay ku wada ciyaareen garoonka RheinEnergieSTADION ee dhaca magaalada Cologne ee dalka Germany.

Haddaba Madaxweynaha kooxda Inter Milan ee Steven Zhang ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada Sky Italia wuxuu ku sheegay:

“Haddii aad dib u eegto xilli ciyaareedka oo dhan, waxaan u maleynayaa inuu ahaa mid aad u wanaagsan, waxaan gaarnay finalka waxaana ku dhawaanay inaan ku guuleysano koob”.

“Labo sano ka hor kuma fikireynin inay taasi dhici karto, guuldareysiga ama guuleysiga waxay qeyb ka tahay kubadda cagta, laakiin gaaritaanka finalka, dagaalamida iyo inaan soo bandhigno wax walba oo awooddeena ah, ayaa na galineysa rajo fiican oo mustaqbalka ah”.

“Hadda qof walba wuxuu heli doonaa nasasho wanaagsan oo dhowr maalmood ah, kaddib maalmaha soo socda iyo toddobaadyada soo socda, waxaan eegi doonaa mustaqbalka”.

“Maskaxdeena iyo ujeedkeena isma badali doono, waxaan dooneynaa inaan sii wadno horumarka, tani waa qeyb weyn oo ka mid ah tartamada, waxaan mar walba isku dayeynaa inaan intii awoodeena ah aan sameyno oo aan rajeyno inaan soo bandhigno qaab ciyaareed fiican mustaqbalka”.

“Tababaraha, shaqaalaha iyo ciyaartoyduba waxay soo qabanayaan shaqo fiican, mustaqbalkana goor dhow ayaan qorsheeneynaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here