Germany-(Idaacadda Waamo) Kooxda Sevilla ayaa ku guulaystay koobka Europa League markii 6-aad ee taariikhdooda kadib guul ay ka gaadheen kooxda Inter Milan.
Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay Labada Kooxood ay Soo Bandhigeen Qaab ciyaareed Qurux badn oo isku Dheeli Tiran Koox Kastana ay Dooneyso Iney Guul Gaarto.
Kooxda Inter Milan ayaa Furtay Goolasha Kulanka Kadib Markii Rikoore Loo Dhigay Kooxda uu Hogaamiyo uu Gool Ku Badalaya Xidga Weerarka Uga Ciyaaro ee Romelu Lukaku Daqiiqadii 5-aad ee Ciyaarta.
Laakiin Kooxda Sevilla ayaanan Is Dhiganin Waxayna Bilowday Raadinta Goolka Bar-bar Dhaca iyaga oo Kusoo Qaaday Weeraro aan Kala Joogsi Lahayn Daqiiqadii 12-aad ee Ciyaarta ayay Kooxda Sevilla Dhalisay Goolka Bar-baraha iyaga oo uu Madax aad uqurux Badan La Seexday Xiddiga Weerarka Uga Ciyaara ee Luuk de Jong Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 1/1.
Labada Kooxood ayaa Sii Waday Samaynta Fursadaha ay Ku Doonayaan ugu Jiraan Goolal Kale In ay Ciyaarta Kusoo Kordhiyaan .
Daqiiqadii 33-aad ayay Kooxda Sevilla Dhalisay Goolkeeda 2-aad ee Ciyaarta iyaga oo uu Mar kale Madax ugu Dhaliyay Xiddiga Luuk de Jong Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 2/1 oo ay Kooxda Sevilla Hogaamka Ciyaarta Kula Wareegtay.
Daqiiqadoo Dheer Kama Soo Wareegan Daqiiqadii 36-aad ayey Kooxda Inter Milan La Timid Iyadana Goolkeeda 2-aad ee Ciyaarta Waxaana u Dhaliyey Xiddiga Diego Godin Kaas oo uu Ukeenay Goolka Bar-baraha Kooxdiisa isaga oo Ciyaarta Ka Dhigay 2/2.
Waxa Sidaas Kusoo Dhamaatay Qaybtii Hore ee Ciyaarta oo ay Labada Kooxood Soo Bandhigeen Final Qurux badan oo Europa League ah.
Qaybtii Labaad ee Ciyaarta ayey Labada Kooxoodba Kusoo Galeen Si Taxadar Leh iyada oo ay Koox Walbo Ku Jirto Difaac Xoogan ayna adag tahay in Kooxna Ku Dag-dagayn in ay Weerar Qaado.
daqiiqadii 72-aad ayaa Xidiga Romelu Lukaku Kooxdiisa Ka Khasaariyay Fursad Wareer Dahabi ah oo Daafacyada Sevilla Looga Daba Tuuray.
Laakiin Sevilla ayaa Fursadaas Ku Ciqaabtay Kooxda Reer Inter Milan iyaga oo Dhaliyay Goolkooda 3-aad ee ciyaarta ahna Goolka Guusha ee Kooxda Reer Spain ee Sevilla Daqiiqadii 74-aad ayuu Xiddiga Diego Carlos Dhabal Ku Khex Kacay Goolka Inter Milan Hortiisa Waxana ay Kubadaas Ku Dhacday Xidiga Romelu Lukaku oo Sidaas Kooxdiisa uga Dhaliyay Goolka 3-aad ee Ciyaarta .
ugu Dambeyn Waxa Sidaas Kusoo Dhamaatay Ciyaarta oo ay Kooxda Reer Spain ee Sevilla Ku Guulaystay Koobka Europa League Markii 6-aad ee Taariikhdooda Ciyaarta ayaana Kusoo Dhamaatay 3-2 oo ay Guushu Ku Raacday Kooxda Sevilla.