Sida Sevilla oo kale, Inter Milan Waxay Xili Ciyaareedkan Kusoo Qaadatay Guulo ay ka Gaartay Tartanka Europa League oo aan Dhinaceeda Dhulka La Dhigayn, Waxaanay Soo Guuleysatay Dhamaan 6-dii Kulan ee tartamada oo Dhan, Halka ay Kaliya Guul-darraysatay Hal Mar oo Kaliya Tan iyo Bishii March Sanadkaan, Waxaanay ahayd Ciyaar ay 2-1 Guuldaro Kala Kulantay Kooxda Bologna July 5.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Sevilla vs Inter Milan
Tartanka: Finalka Europa League
Waqtiga: 10-pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: RheinEnergieSTADION
Garsooraha: Danny Makkelie (Netherlands)
Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood
Kooxda Sevilla Waxa Jira Dhaawaca Weeraryahanka Muhiimka u ah ee Lucas Ocampos oo Kulankii Wolves ahaa Midkii u Go’aamiyey Guusha, Waxaana Laga Saaray Qaybtii Dambe ee Kulankii Manchester United, Laakiin Laacibka Reer France Waxaa La Tilmaamay in uu Diyaar u Noqon Karo Kulanka Caawa ee Finalka ah, Taas oo Keeni Doonta in Tababare Lopetegui aanu Waxba Ka Beddelin Shaxdii uu Kula Ciyaaray Kooxda Reer England ee Man United ah .
Diego Carlos oo Lala Xiriirinayo Barcelona, Manchester City iyo Liverpool ayaa Difaaca Dhexe Hoggaamin Doona, Waxaana ay iskaashan Doonaan Jules Kounde, Jesus Navas iyo Sergio Reguilon.
Dhinaca Kooxda Inter Milan, Waxaa Ka Maqan Xidiga Matias Vecino oo Jilibka Dhaawac Ka Qaba, Laakiin Xidiga Alexis Sanchez oo Dhowaan Heshiis Rasmi ah u Saxeexay, Kana Cabanaya Jug Kasoo Gaartay Dhabarka ayaa Kusoo Bilaaban Kara Kulanka Caawa.
Alessandro Bastoni ayaa La Filayaa inuu Kasoo Horreyn Doono Skriniar iyadoo uu Mar Kale Conte Sii Wadi Doono inuu Saddex Difaac ah Ku Ciyaaro, Waxaanay iskaashan Doonaan Diego Godin iyo Stefan de Vrij, Halka Ashley Young iyo Danilo D’Ambrosio ay Garbaha Ka Dheeli Doonaan.
Shaxaha Macquulka ah ee Labada Kooxood
Sevilla: Bounou; Navas, Kounde, Diego Carlos, Reguilon; Fernando, Jordan, Banega; Ocampos, En-Nesyri, Suso
Inter Milan: Handanovic; Godin, Bastoni, De Vrij; D’Ambrosio, Gagliardini, Barella, Brozovic, Young; Martinez, Lukaku