Kooxda Werder Bremen oo Lasoo Wareegay Xidiga Da’yarka Man United ee Tahith Chong

0
284

Germany(Idaacadda Waamo) Kubbad-sameeyaha Da’da yar ee Tahith Chong oo Ka Mid ah Ciyaartoyda Da’da yar ee Wanaagsan ee Kasoo Baxay Akademaiyada Da’yarta ee Kooxda Manchester United ayaa Heshiis amaah Sannad ah oo ugu Dhaqaaqay Kooxda Werder Bremen.

20 Sano Jirkan ayay Kooxdiisa Cusub Soo Bandhigtay Warbaahinta, Waxaanu u Xidhan Doonaa Lambarka No.22 oo uu Xili Ciyaareedka Dambe iskugu Muujin Doono Sidii uu Boos uga Heli Lahaa Kooxda uu Maamulo Tababare Ole Gunnar Solskjaer .Image

Chong ayaa Waxa Manchester United u Saftay Xili Ciyaareedkan 12 Kulan oo Dhamaan Tartamada ah, Laakiin Xidigahaan Khadka Dhexe ee Hal-abuurka ah ayaanan u Suurto Gelin inuu Gool u Dhaliyo Kooxda koowaad ee Man United.

Kulankii ugu Dambeeyey ee Chong uu Manchester United u Safto, Waxay ahayd Lugtii Labaad ee LASK oo ahayd Wareegga 16ka Tartanka Europa League.

20 jirkan reer Netherlands ayay Manchester United bishii March ee Sannadkan Ka Qaaday Heshiis Cusub oo Lagu Sii Kordhiyey Qandaraaskii uu Hore ugula Jiray, Waxaana Kaddib Lagu Fasax Heshiis amaah si uu Waqti uga Helo Kooxda koowaad ee Wender Bremen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here