Josep Maria Bartomeu oo si kulul kaga hadlay xasuuqii xalay soo gaaray kooxdiisa Barcelona

0
483

Lisbon(Idaacadda Waamo)Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay inuu gaari doono go’aano muhiim ah, kaddib markii ay kooxda reer Catalonia xasuuq ba’an kala kulantay Bayern Munich.

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa xalay kabaha la dulmartay Barcelona oo ay ku garaacday 8-2 kulan qeyb ka ahaa siddeed dhammaadka tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu uu go’aansaday inuu eryo xubno ka mid ah guddiga sare ee maamulka kooxda, lagu daray agaasimaha ciyaaraha Eric Abidal iyo tababare Quique Setién.

Wareysi uu bixiyay  Josep Maria Bartomeu kaddib guuldarradii weyneyd ay xalay kala kulmeen kooxda Bayern Munich wuxuu ku sheegay:

“Waxaa la gaaray xilligii la qaadan lahaa go’aanno muhiim ah, go’aanada soo socda qaar kood waxay ahaayeen kuwo horeba maskaxda ugu jiray, waxaadna arki doontaan go’aammada maalmaha soo socda, ma sheegi doono hadda”.

“Go’aannada qaar hore ayaa loo qaatay, go’aanno kalena hadda ayaa la qaadan doonaa, laga bilaabo toddobaadka soo socda, waa inaan ka fikirnaa”.

“Waxaan raaligalin u dirayaa taageerayaasha, waxay aheyd habeen adag, maanta ma noqon kooxdii aan naqaaney ee na mataleysay, waxay aheyd guuldarro xoogan”.

“Hadalka Pique waa sax waana ku raacsanahay isaga, waa inay jiraan go’aamo xasaasi ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here