Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Xiddiga Kooxda Liverpool ee Horyaalka Premier League Ku Guuleystay ee Trent Alexander-Arnold ayaa Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Da’yarka ah ee ugu Fiican Xilli Ciyaareedkii Dhamaaday Horyaalka Premier League.
Xiddiga Lambarka 66 u Xiran Kooxda Liverpool ayaa Door Muhiim ah Ka Ciyaaray Ku Guulaysigii Liverpool ee Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkii Dhamaaday ee 2019/2020 isaga oo Saftay 38 Kulan.
Xiddiga Arnold ayaa Abaalmarinta Ku Garaacay Ilaa 7 Xiddig oo Kale Kuwaas oo Kala ah Jack Grealish (Aston Villa), Mason Greenwood, Anthony Martial and Marcus Rashford (Manchester United), Christian Pulisic and Mason Mount (Chelsea) & Dean Henderson (Sheffield United).
Alexander-Arnold ayaa Ku Muteystay Dadaalkiisa iyo Isagoo Xilli Ciyaareedkan Noqday Daafaca ugu Caawinta Badan Daafacyada Ka Ciyaara Horyaalka Premier League ee Dalka England isaga oo Sameeyay 13 Caawin.