Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Barcelona iyo Bayern Munich ayaa Cududdooda iyo Awooddooda Ciyaareed Mar Kale isku Diyaarsaday, Waxayna Caawa isku Arkayaab Wareegga Siddeed Dhamaadka ee Tartanka yurub ee Champions League, iyagoo albaabada la iskugu xirayo Garoon Cidlo ah oo Ku yaalla Magaalada Lisbon ee Waddanka Portugal.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Barcelona vs Bayern Munich
Tartanka: Champions League Wareegga Siddeed Dhamaadka
Waqtiga: 10 pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Estadio da Luz
Garsooraha: Damir Skomina (Slovenia)
L Messi iyo R Lewandowski ayaa ah Labadan Weeraryahan ee Go’aamin kara Kulanka Adag ee Is Wajihi Doonaan Kooxaha Barcelona vs Bayern Munich Kulanka Caawa ee Champions League Wareegga Siddeed Dhamaadka.
Kulankan oo ah Midka ugu adag ee Wareegga siddeed Dhamaadka Tartanka yurub ee Champions League ayaa Waxay Kooxda Badisaa u Gudbi Doontaa Semi-finalka iyadoo Noqon Doonta Kooxdii Saddexaad ee Xili Ciyaareedkan iska Xaadiriya afar Dhamaadka Tartanka yurub ee Champions League Waxaa Hore usii Joogay Kooxaha PSG iyo RB Leipzing, Waxaana Munich ama Barcelona Midka Guusha Soo Heshaa ay La Ciyaari Doontaa Manchester City iyo Lyon oo Sabtida Ciyaaraya Midkii Soo Gudba .
Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood
Barcelona waxa kulankan dhaawac kaga maqan difaaca reer France ee Samuel Umtiti, waxaase usoo laabtay oo diyaar ah Ousmane Dembele oo muddo sagaal bilood ah dhaawacyo ku maqnaa.
Tababare Quique Setien waxa uu Dib u Helay Xiddigaha Sergio Busquets iyo Arthur Vidal oo Ganaax Kaga Maqnaa Kulankii ay La Ciyaareen Kooxda Reer Italia ee SC Napoli, Waxaana Labadooduba Khadka Dhexe La Wadaagi Doonaan Frenkie de Jong iyo Sergi Roberto, Kuwaas oo Kusii Simaayey Labadan Xidig, Arthur Vidal ayaa Wjihi Doono Kooxdiisi Hore ee Bayern Munich , Weerarka Waxaa Kusoo Bilaaban Doonaan Xidigaha Lionel Messi iyo Luis Suarez .
Dhanka Kooxda Bayern Munich, Difaaca Khibradda Badan ee Jerome Boateng oo Dhibaato Badan uu u Geystay Lionel Messi Kulankii ugu Dambeeyey ee Labada Kooxood ayaa Waxa uu Kasoo Kabtay Dhaawac Kasoo Gaaray Kulankii ay La Ciyaareen Kooxda Reer England ee Chelsea, Sidoo Kalena Kingsley Coman ayaa La Filayaa in uu illoobo tabashooyinka yar ee uu ka Dareemayo Muruqa.
Coman ayaa Beddeli Doona Ivan Perisic Kuna Soo Bilaaban Doona Garabka Bidix ee weerarka, Halka ay Thomas Muller iyo Serge Gnabry qayb ka noqon Doonaan Xiddigaha Garab istaagi Doona Lewandowski.
Shaxaxa Macquulka ah ee Labada Kooxood :
Bayern Munich: Neuer; Kimmich, Boateng, Alaba, Davies; Thiago, Goretzka; Coman, Muller, Gnabry; Lewandowski
Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Pique, Lenglet, Alba; Roberto, Busquets, Vidal, De Jong; Suarez, Messi