RB Leipzig Oo Iska Xaadirisay Semi-finalka Champions League

0
368

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Kooxda Reer Germany ee RB Leipzig ayaa iska Xaadirisay Semi-Finalka Tartanka Champions League, Kaddib Markii ay 2-1 Ku Garaacday Kooxda Reer Spain ee Atletico Madrid oo ay isku Arkeen Wareegga Siddeed Dhamaadka Tartantanka yurub ee Champions League.

Kooxdan yar ee Reer Germany ee RB Leipzig ayaa Markii ugu Horeysay Taariikhda Waxay Soo Gaartay Semi-finalka, Waxayna La Ciyaari Doonaan Kooxda Reer France ee PSG oo Kasoo adkaatay Kooxda Reer Italia ee Atalanta.

Atletico Madrid ayay u ahayd Habeen Xun oo aanay Qaab ciyaareed Wanaagsan La imanin Garoonka, Waxaana Ciyaartu Eheyd Ciyaar Hal Dhinac ah inkasta oo ay fursado Kooban Heleen Labada Kooxood .

Qaybtii Hore ee Ciyaarta ayaanay Labada Kooxood Wax Goolal ah Kala Dhalinin, Laakiin Markii La Isku Soo Laabtay Qaybta Labaad ee ay Shan daqiiqadood oo kali ah socotay ayuu Weeraryahanka Reer Spain ee  Daniel Olmo uu Madax Ku Dhaliyey Goolka Koowaad ee Ciyaarta, Waxaana Hogaanka Ciyaarta Sidaasi ku Qabtay Kooxda Reer Germany ee RB Leipzig.

Kooxda Atletico Madrid ayaa Heshay Goolka Barbar Dhaca Kaas oo ahaa Gool Rikoore ah, Waxaana u Dhaliyey Xidiga Da’yarka ee Joao Felix, Hase yeeshee Ciyaarta oo ay Saddex Daqiiqo oo Kali ahi Ka Harsan Tahay ayey RB Leipzig u Dabbaal-Degtay Guusha Ciyaarta Waxaana Gool Qurux badan u Dhaliyey Xidiga Reer Americo ee Tyler Adams.

Kulankaasi oo ahaa Kulan Xiiso badan oo ay Labada Kooxood Mid Walba ay Dooneysay Iney Mid Walba Mida Kale ay Guul Ka Gaarto Balse Waxaa Guul Dahabi ah oo ay u Qalmeen Gaaray Kooxda Yar ee Reer Germay ee RB Leipzig Waxaana Xataa Xidigii Garoonka La Siiyey Xidiga Daafaca Lambarka 5-aad U Xiran Kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano.


ImageImageImage

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here