Dalka New Zealand oo laga diiwaan galiyay kiisas cusub oo xanuunka Karona ah.

0
332

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Wadanka New Zealand ayaa laga diiwaan galiyay illaa iyo 14 xaaladood oo ah kiisaska cusub ee xanuunka Covid-19 iyadoona magaalooyinka qaar dib loogu celiyay xayiraadihii saarnaa.

Arintan ayaa kusoo beegmayso iyadoo dhawaantan dowladda New Zealand shaacisay in sadax bilood oo xiriir ah aanan xanuunkan la’isku gudbin.

Guud ahaa kiisaska caalamka ayaa sara u kacay iyadoona haatan tiradu ay ka saramartay 20 milyan oo kiis, waxaa wali dalka ugu daran dunida ah wadanka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here