Xiddiga Ismaila Sarr Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Liverpool

0
289

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xiddiga kooxda Watford ee Ismaila Sarr ayaa sheegay in uu jecelyahay in uu ku biiro kooxda Liverpool sida uu xiddig walba u doonayo in uu u jecelyahay u ciyaarista Liverpool.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay isaga oo kooxda Watford ee ka hadhay horyaalka u dhaliyay 6 gool sidoo kale 6 kale caawiye ka noqday 30 kulan oo uu ciyaaray.

Xiddiga reer Senegal ayaa ku fashilmay in uu Watford ku sii hayo premier League laakiin waxa la filayaa in uu ku soo laabto horyaalka xagaagan.

“Liverpool waa koox weyn, cid walba waxa ay jecelyahay in uu u ciyaaro”ayuu Sarr yidhi.

“Waxa ay ku guulaysteen horyaalka sanadkan sidoo kale waxa ay sanadkii hore ku guulaysteen champions League”.

“Waan doonayaa in aan ku biro Liverpool laakiin waa in ay kooxda Watford wax walba kala heshiiso”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here