Man United oo Qaaday Tallaabo la yaab leh oo Halis galinaysa baacsiga ay ugu Jirto Jadon Sancho.

0
264

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Kooxda Man United ayaa qaaday talaabo halis galinay Baacsiga ay ugu jiraan saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Xilli ay wali ku dhibaatoonayaan in ay Borussia Dortmund kala heshiiyaan saxiixa xiddiga Jadon Sancho United ayaa qaaday talaabo kale oo la yaab leh.

Borussia Dortmund oo 10 bishan August u qabatay United in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga ayaa dalabanaysa lacag dhan 108 milyan oo euro laakiin United ayaa diidan lacagtaas sabab la xidhiidha xanuunka Korona oo saameeyay dhaqaalaha.

Inkasta oo ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga wakhti hore hadana kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay badashay wixii ay ku heshiiyeen xiddiga.

Wargayska Daily Mail aya sheegaya in ay kooxda Man United xiddiga u sheegtay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si ay u dhamaystiraan heshiiska.

Jadon Sancho ayaa bilaabay isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub isaga oo ka qayb qaatay kulankii ay kooxdiisu xalay 6/0 uga badisay kooxda Altach.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here