Dowladda Ruushka oo diwaangalisay talaalkii ugu horreeyay Covid 19

0
356

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Russia ayaa soo saartay talaalka ugu horeeya looga hortago cudurka coronavirus, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa goor dhow ku dhawaaqay.

“Subaxaan, waa markii ugu horreysay adduunka, oo laga diiwaan-geliyo tallaalka ka hortagga coronavirus-ka cusub” ayuu yiri Madaxweyne Putin oo garbihiisa ay taagan yihiin Madaxda Caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in talaalkaan ay qaateen qaar ka mid ah Carruurtiisa maanta waxaana uu yiri “Mid ka mid ah gabdhaheyg ayaa qaatay talalkaan.

Dowladda ruushka ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee diwaangalisa talaalka rasmiga ee Cudurka Covid 19.

Kiisaska coronavirus-ka adduunka waxay kor dhaafeen 20 milyan sidda lagu shaaciyay Warbixintii ugu dambeysay.

Jaamacada Johns Hopkins oo soo bandhigtay xogtii ugu dambeysay ee Cudurka ayaa sheegtay In kabadan 12.2 milyan ay ka bogsadeen Cudurka halka ku dhawaad ​​735,000 ay u dhinteen Cudurka Corona virus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here