Kooxda Arsenal oo heshiis shaqsi ah la gaartay Philippe Coutinho

0
362

London(Idaacadda Waamo)Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis shaqsi ah la gaartay Philippe Coutinho, taasoo ka dhigeysa inuu u dhaqaaqayo garoonka Emirates xagaagan.Xiddiga xulka qaranka Brazil ayaa heshiis amaah ah ku jooga Bayern Munich, wuxuuna ku wajihi doonaa kooxda milkiyadiisu iska leh ee Barcelona kulanka soo aaddan wareega siddeeda ee tartanka Champions League.

Coutinho ayaa iska diiday shuruurda uu dib ugu laabanayo garoonka Camp Nou, iyadoo wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqayo Arsenal ay maalmihii u dambeeyay sii xoogeysteen.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Catalan Sport” Gunners ayaa haatan heshiis shaqsi ah la gaartay xiddiga ka soo jeeda Koonfurta Ameerika, kaasoo qarka u saaran inuu heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu dhaqaaqo garoonka Emirates.

28-jirkan ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku soo qaatay kooxda Bayern xilli ciyaareedkaan, isagoo dhaliyay 9 gool, wuxuuna caawiyay 8 gool kale 34 kulan uu saftay tartamada oo dhan.

Dhanka kale, Philippe Coutinho ayaa dhaliyay 41 gool, 152 kulan oo horyaalka Premier League uu saftay intii uu joogay kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here