Man City oo iska xaadirisay wareegga siddeeda ee tartanka Champions League, kaddib markii ay ka adkaatay Real Madrid

0
283

Manchester(Idaacadda Waamo)Manchester City ayaa u soo baxday wareegga Siddeeda ee tartanka Champions League, kaddib markii ay kaga adkaatay Real Madrid 2-1, kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka, taasoo ka dhigan in cel-celis ahaan labada kulan ee wareegan ay ku soo baxday goolal gaarsiisan 4-2.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Manchester City iyo Real Madrid.

Daqiiqadii 9-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Raheem Sterling, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Gabriel Jesus.

Laakiin daqiiqadii 28-aad Real Madrid ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Karim Benzema, xilli uu goolkan ka caawiyay da’ayarka reer Brazil ee Rodrygo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiadii 68-aad kooxda Manchester City ayaa markale hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 2-1 ka dhigay weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay  Manchester City kooxda Real Madrid oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, Sky Blue ayaana sidaas isaga xaadirisay wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here