Isku aadka wareegga siddeed dhammaadka tartanka Europa League oo dhammaystirmay

0
267

Yurub(Idaacadda Waamo)Kaddib kulammadii xalay iyo habeen hore la ciyaaray waxaa si rasmi ah u dhammaystirmay isku aadka wareegga siddeed dhammaadka tartanka Europa League.

Manchester United ayaa horay u xaqiijisay inay isku aadeen naadiga reer Denmark ee Copenhagen, halka kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ay madaxa gelin doonto naadiga reer Jarmal ee Leverkusen.

Dhinaca kale Shakhtar Donetsk ayaa ogaaday inay la dheeli doonto siddeed dhammaadka Europa League kooxda Basel, halka kooxda reer England ee Wolves ay qaabilayso naadiga dhibka badan ee Sevilla oo matalaysa dalka Spain.

Isniin 10 bisha Agoosto waxaa la dheeli doonaa Kulammada:-

Manchester United (ENG) vs Copenhagen (DEN), Stadion Köln

Internazionale Milano (ITA) vs Leverkusen (GER), Dusseldorf Arena

Talaado 11 bisha Agoosto waxaa la dheeli doonaa Kulammada:-

Shakhtar Donetsk (UKR) vs Basel (SUI), Arena AufSchalke

Wolves (ENG) vs Sevilla (ESP), MSV Arena

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here