Madaxweyne ku xigeenka 1,aad ee Jubbaland oo shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland

0
383
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland ahna ku simaha madaxwaynaha mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa gudoomiyay shirka isbuuclaha ah ee golaha wasiirrada Jubbaland kaas oo ka dhacay madaxtooyada jubbaland.
Kulankan waxaa ka soo qayb galay madaxwayne ku xigeenka labad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiirrada Jubbaland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan ha’yadaha dawliga ah ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here