Duulimaadyada Caalamiga oo maanta si rasmi ah dib uga bilowday dalka.

0
292

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Maanta waxaa dib loo furay duulimaadyada caalamiga ah ee dalka,ka dib markii cudurka safmarka ah ee Koroona Fayrus uu sababay in muddo 134 cesho ah xayiraad lagu soo rogo duulimaadyadii gudaha iyo kuwii dibadda.

waxaana ay ka dabeysay markii todobaadkii lasoo dhaafay ay golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen in la qafiiyo xayiraadaha saarnaa dalka sababa la xariira covid-19.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo goordhaweyd la hadlay Warnaahinta Qaranka  ayaa sheegay in maanta dib loo furayo duulimaadyada Caalamiga ah isla markaana ay u diyaar garoobeen sidii loo wajihi lahaa xaaladaha cudurka safmarka ah ee Karoona Feyruska.

“Waxaan dhammaan fareynaa rakaabka baxaya ama kasoo degayo Garoonka Aadan Cade ay qasabtahay inay xertaan maryaha afka lagu xerto ee face Maska. Iyo sidoo kale gacmo gashiga iyadoo la raacaya fariimaha aan ka bixineyno halista cudurka Covid-19 ayuu yiri Maareeye Axmed macalin.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadyada caalamiga 19 bishii sedexaad ee Sanadkaan 2020 kaddib markii kiiskii ugu horeeyay ee Covid-19 laga helay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here