Dhalinyarada Magaalada Kismaayo oo soo Dalxiis iyo Damaashaad Taga Xeebta Liido ee magaalada Kismaayo

0
530
Kismaayo(Waamo Radio)Maalmaha Jimcaha iyo Khamiista Xeebta Liido ee magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada hoose  waxaa u damaashaad taga kumanaan ka mid ah dadka ku nool magaalada kismaayo   kuwaa oo iskaga yimaada 5xaafadood  ee magaalada kismaayo.

Dadka u soo damaashaad taga Xeebta Liido ayaa u badan dhalinyaro kuwaas oo inta badan fasax ka ah xarumaha waxbarasho ee ku yaal magaalada  sida Jaamacadaha iyo Dugsiyada  iyo xarumha kale ee shaqooyinka kuwaa oo ku faraxsan in ay waqtigooda inta badan ku bixiyaan Dalxiiska iyo Damaashaadka xeebta Liido.

Xeebta Liido ee magaalada kismaayo  ayaa ka mid ah xeebaha  ku yaala magaalada  ayna u damaashaad tagaan muwaadiniinta Soomaaliyeed maalmaha Jimcaha iyo Khamiista hasa-yeeshee Liido marka laga yimaado maalmaha nasiinada maba jiro xilli ay firaaqo tahay madaama ay inta badan usoo dalxiistagaan dadka ajaanibta ah ee imaanay magaalada kismaayo.

Waxaa Warbixintaan inoo haysa Foos Cali Cabdiraxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here