Kismaayo oo lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee Afka Hooyo

0
470

Kismaayo(Waamo RadioMaalinta 21-fabraayo oo ay Ku beegneyd shalay waxaa dhamaan daafaha caalamka laga xusaa afka hooyo, waana xiliga ay qaramada midowbay u asteeysay in laxuso sanadkii 2000-dii.

Hotelka agan   ee magaalada Kismaayo ayaa lagu qabtay munaasabada lagu xusay maalinta afka hooyo oo ay soo qaban qaabisay madasha akhrska iyo qoraalka maan kulan oo kaashaneysa akadimiyo goboleedka afsoomaaliga ee AGA.

Munaasabadsa ayaa waxaa kaqayb galay wasiiro katirsan xukumadda jubbaland aqoon yahano iyo qaybaha kale ee bulshada ku dhaqan magaalada kismaayo.

Afka soomaaliga ayaa la sheegay in saameyn weyn ay ku yeelatay dowlad la’aantii dalka soo martay, waxaana la sheegay in uu u baahan yahay adkeyn iyo ilaalin xoogan si uu san uga mid noqon luuqadaha ka dabar go’aayo dunida.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo wasiiru dowlaha wasaaradda dastuurka jubbaland ayaa ka hadlay ahmiyada afka hooyo iyo waajibaadka qaran ee ka saran qof walba ilaalinta afka hooyo.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Jubbaland Axmed Cadirisaaq Maxamed (Axmed Handal ) ayaa sheegay in wasaaraddu qaadan doonto door weyn oo ku aadan ilaalinta afka hooyo iyo in la baro ardayda qiimaha uu leeyahay afsoomaaliga.

Codka Wasiir ku Xigeenka  Waxbarashada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here