Tababar loo qabtay hawl-wadeennada Idaacadda Waamo oo maanta lasoo gaba-gabeeyay+Sawiro

0
336

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababar u Socday muddo saddex bari ah hawl-wadeenada Waamo Radio oo ka qabsoomay Barta Zoom-ka Internetka ee Fogaan araga ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay,Tababarkan ayaa lagu baranayay Casharo kala duwan kuwaas oo quseeya shaqada wariyayaashu u hayaan Bulshada Kismaayo iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Casharada lagu baranayay muddada uu tababarku socday waxaa ka mid ahaa Xeerka Saxaafadda Soomaaliya iyo midka dunida,Anshaxa iyo akhlaaiyaadka wariyaha,Tabinta Colaadaha iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tabinayo Cudurka Corornavisrus oo saamayn ku yeeshay guud ahaan dunida.

Tabarkan oo ay bixinayeen Macallimiin aqoon durugsan u leh Saxaafadda ayaa waxa ay qayb ka yihiin Horumarinta aqoonta iyo xirfada wariyayaasha ka hawl-gala Idaacadda Waamo si ay Bulshada ugu adeegaan.  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here