Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka iyo arrimaha diiinta Jubbaland oo kulan la qaatay Culumaa’udiinka Kismaayo

0
340

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka iyo arrimaha diiinta Jubbaland ayaa Kulan Xog wareysi ah la qaadatay qaar kamid ah culumaa ‘udiinka kunool magaalada kismaayo.

Kulanka ay Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka iyo arrimaha diiinta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo culamaa ‘udiinka wada qaateen ayaa waxaa daah furay wasiirka Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka iyo arrimaha diiinta Jubbaland maxamed sheeq yuusuf cumar waxaana uu goobta kasoo jeediyey hadal u badan dar-daaran ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeeneed ee u dhaxeeya wasaarada iyo culumaa ‘udiinka.

Kulnka intiisa badan ayaa waxaa looga hadlay sidii clumaa ‘udiinka iyo wasaarada isaga kaashan lahaayeen wacyi galinta la xiriirta arimaha diinta iyo in bulshada reer kismaayo laga wacyi galiyo arimaha qilaafaadka.

Cawke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here