Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Shirkaan oo socon doona muddo maalmo ah uu shir guddoominayay Madaxwaynha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa waxaa ka soo qayb galay Hay’ada dhulka Jubbaland iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Jubbaland.
Mudada shirkan uu socdo waxaa diirada lagu saaraya habka shariciyaanta dhulka iyo shatiyada ganacsiga iyadoona dadka shacaka ah laga khafiifinayo dhanka qarashaadka maadaama uu cudurka Coronavirus uu samaayn ku yeeshay dhaqaalaha.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.