Dowladda oo ka hadashay geerida Fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil

0
271

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay Geerida xanuunka badan ee ku timid Fanaankii Caanka ahaa ee Hobolada Waaberi Cabdi Tahliil Warsame oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho waxaana ay Allah uga barisay Ehelka marxuumka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Cabdi Tahliil uu ahaa Faaan Qaran oo Qiimo iyo Sumcad ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay xanuunka la qeyb sanayaan Qoyska uu ka geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here