Kulan ku saabsan sidii loo tayeeyn lahaa Ciyaaraha Jubaland oo kismaayo lagu qabtay

0
492

Kismaayo(Waamo Radio)Kulan oo ka dhacay gudaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubaland oo uu shirgudoominayay Agaasimaha guud ee Wasaarada mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa loo qabtay qaybaha kala duwan ee bahda Ciyaaraha Jubaland.

Madaxda Xiriirka kubadda cagta Jubaland iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay madasha oo inta badan ku saabsanayd, isbarsho, iscafin iyo sidii loo dardar galin lahaa hawlaha ciyaaraha 3 Gobol ee Jubaland.

Kadib markuu shirka soo idlaaday ayuu Agaasimaha Wasaarada Dhalinyarada Cabdiraxmaan Cabdi Axmed la hadlay saxaafada.

Agaasime  ayaa sheegay in wasaaradu ay masuul katahay go’aamada masiiriga ah ee la xiriira arimaha hawlaha Ciyaaraha.

Wasaarada ayuu tilmaamay Agaasimuhu iney samayn doonto Siyaasadi lagu hagi lahaa kooxaha Isboortiga Jubaland si loo helo kala dambayn iyo nidaam hufan iyagoona hada kadib yeelaan doono shir bil kasta ay isugu imaan doonaan ciyaartoyda kooxaha kadhisan Jubaland.

Isboortiska ayaa ah mid aad looga xiiseeyo adduunka isla markaana ah luuqada ama lahjadda kulmisa caalamka oo dhan taas oo qof yar iyo qofweynba uu ka hadli karo xiisaha iyo xamaasadda ay leedahay.

Waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaya Cabdillahi Xassan Kilaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here