Dhagayso:Madaxweynaha Jubbaland oo ka Tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland

0
350

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxariistee Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyooday dalka dibadiisa.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay tariikhda dahabiga ah ee Macalin Maxamed Ibraahim uu ku lahaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar haan Bulshada Jubbaland.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Wasiir macalin Maxamed Ibraahim oo wakhtigiisa intii ugu badnayd galiyay Waxbarida dadka Soomaaliyeed isagoo door muuqda kasoo qaatay waxbarashada Gobolka Banaadir iyo Jubbaland oo hada uu ahaa Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhismahii Dowladnimada Jubbaland uu door aan la iloobi doonin uu ku lahaa isagoo mar walba ahaa shaqsi u taagan Arimaha dib u heshiisinta iyo wadajirka umada waxaa uu Madaxweynahu xusay in uu ahaa shaqsi muhiim ah oo ka baxay ree Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here