Maamulka arimaha bulshada degmada Kismaayo oo bilaabay Olole dadka looga wacyi gelinayo Cudurka Covid-19

0
303

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-kulan ay isugu yimaadeen Gudiga wacyi galinta arimaha bulshada rayidka ee maamulka dagmada kismaayo ayaa baaq ku aadan cudurka Caronavirus u direy Guud ahaan bulshada reer Jubbaland Gaar ahaan Bulshada Ku dhaqan Magaalada kismaayo.

kulankaas ayaa waxa uu ka qabsoomay xarunta dagmada ksimaayo ayaa gudiga baaq wacyigalin ku aadan u hogaansanka bulshada fariimaha wacyi galinta cudurka Caronavirus ugu direen bulshada ku nool magaalada kismaayo.

Gawaari ay ku xiran yihiin Makaroonfano waa weyn ayaa Magaalada ksiaamyo lagu dhex arkayaa oo Gaarsiinaya Bulshada Fariimaha wacyi galinta ah ee Cudurka Caronavirus Sidoo Kale waxaa Jiro Kooxo Dhex Wareego Xafadaha Magaalada Kismaayo kuwaasoo Dadka Xaafadaha Ka wacyi galiya Cudurka Caronavirus.

Cawke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here