Cristiano Ronaldo oo Tallaabo weyn qaadaya isagoo bixinaya Mushaharka ciyaartooyda

0
310

Turin(Idaacadda Waamo)Weeraryahanka sare ee Cristiano Ronaldo ayaa sida wararku ay sheegayaan waxa uu bixinayaa mushaharka xiddigaha ay soo wajahday dhaqaale xumada.

CR7 ayaa lacag ugu deeqaya ciyaartoyda horyaallada heerka hoose ee dalkiisa Portugal inta lagu guda jiro mudada uu socdo caabuqa Coronavirus.

Sida ay daabacday Wakaaladda wararka ee Associated Press laacibka kooxda Juventus ayaa bilaabay qorshe ay xiddigaha xulkiisa Portugal uga qeyb qaadanayaan oo qeyb ka mid ah lacagtoodii abaal-marinta ee ay ku heleen inay u soo baxeen EURO 2020 ugu deeqaan xiddigaha horyaallada hoose ee dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here