Real Madrid oo miiska saareysa 70 milyan oo gini si ay u hesho xiddig ka tirsan Kooxda Manchester United

0
333

Madrid(Idaacadda Waamo)Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay isku diyaarinayso inay 70 milyan oo gini miiska saarto si ay u hesho xiddiga naadiga Manchester United ee Paul Pogba.

Mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa weli lahayn sal fadhiya, maadaama qandaraaskiisa haatan ee garoonka Old Trafford uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedka soo socda.

Man United ayaa leh ikhtiyaarka ay ku kordhinayso qandaraaska khadkan dhexe 12 bilood oo dheeri ah, inkastoo si weyn loo hadal hayo in ku guuleystaha Koobkii Adduunka ee 2018 uu aad u doonayo inuu iskaga tago kooxda ku dheesha garoonka Old Trafford.

Real Madrid ayaa si joogta ah loola xiriirinayay 27-sano jirkaan 12-kii bilood ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay The Mirror kooxda reer Spain ayaa haatan isku diyaarinaysa inay miiska u saarto dalab 70 milyan oo gini ah.

Pogba ayaa kaliya siddeed kulan u saftay Man United xilli ciyaareedkaan, maadaama uu dhaawac qabay, waxaana aad loola xiriirinayaa inuu ku laabanayo Juventus.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here