Kim Jong Un oo Goob Fagaare ah ka soo muuqday

0
326

Kim Jong-un ayaa dib fagaaraha uga soo muuqday markii ugu horreeysay muddo labaatan maalmood ah, sida ay soo tabisay warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xarigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii ku sugnaa warshadda ay aad u farxeen markii ay arkeen hogaamiye Kim Jon Un.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here