Qofkii ugu horeeyay oo Covid-19 ugu geeriyooday Puntland

0
318

Garowe(Idaacadda Waamo)Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faah faahin ka bixisay qofkii ugu horreeyey oo la sheegay in deegaanada Maamulkaas uu ugu dhintay Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Dr Jaamac Faarax ayaa sheegay in qof ka mid ah dad looga shakisanaa Cudurka COVID-19 oo ay baaritaan ugu direen dheecaan laga qaaday Kenya uu geeriyooday hayeeshee laga helay Cudurka Coronavirus.

Waxaa uu sheegay in qofkaasi uu ahaa Nin Da’ah oo kamid ahaa dadka ku nool Magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug tana ay ka dhigan tahay in qofkii ugu horreeyey deegaannada Puntland uu Cudurka Coronavirus ugu geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here