Jabuuti oo hogaamineyso Kiisaska ugu badan bariga Africa ee Covid-19

0
304

DJabuuti(Idaacadda Waamo)Dawladda Jabuuti ayaa maanta shaacisay tiro kale oo cusub oo ah cudurka COVID-19.

Jabuuti waxay sheegtay in la diiwaangeliyey 15 kiis oo cusub oo ah cudurka Covid19.

Tiradan cusub ayaa guud ahaan kiisaska laga helay Jabuuti ka dhigaysa 1,023 qof.

Jabuuti ilaa haatan waxay diiwaangelisay dhimashada 2 qof, iyo 411 qof oo ka bogsaday xanuunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here