Guddiga ka hor tagga Covid-19 ee Jubbaland oo ku baaqay in guryaha lagu tukado taraawiixda

0
345

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Guddiga ka hor tagga iyo u diyaar garowga Coronavirus ee dawlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray awaamiir cusub oo gaar u ah habka ay shacabka reer Jubbaland u gudan lahaayeen cibaadaadka dheeriga ah ee u gaarka ah bisha barakaysan ee Ramadaan.

Kulan dheer oo uu guddigu ku yeeshay hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo kadib waxaa war saxaafadeed koobaya qodobadii shirkan ka soo baxay saxaafadda u akhriyay wasiirka cadaaladda, gar soorka iyo arrimaha diinta Maxamad Yuusuf Cumar.

Qodobada uu guddigu soo saaray waxaa kamid ah:

  1. In salaadda taraawiixda lagu tukado guryaha oo aan masaajidda la isugu imanin.
  2. In salaadaha waajibka ah masaajidda lagu tukado hasayeeshee xilliga masaajidda lagu nagaanayo lagu kobo 10 daqiiqadood oo kaliya.
  3. In la xidho goobaha waysada masaajidda oo dadka masaajidda soo aadaya ay guryohooda ku soo waysaystaan.
  4. In suuliyada masaajidda la xidho ilaa amar dambe oo aan la adeegsanin.
  5. In masjid walba la hor dhigo agabka gacmaha lagu dhaqdo.
  6. In la soo saaro culuma dadka ku tababara qaabka loo dhaqo oo loo aaso dadka xanuunkan u dhinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here