Tirada dadka caalamka ugu geeriyooday Coronavirus oo kor u dhaaftay 200,000 oo ruux

0
406

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tirada dadka xanuunka Coronavirus ugu geeriyootay caalamka ayaa kor u dhaaftay 200,000 oo ruux.

Sidoo kale dadka uu xanuunkan kusoo ritay caalamka ayaa kor u dhaaftay 2.8 milyan oo qof.

Mareykanka oo kaliya tirada dhimashadu waxay ka badatay 50,000 oo ruux, isagoo noqday dalka ay dadka ugu tirada badan caalamka ugu geeriyoodeen xanuunka Coronavirus.

Fayraska Corona, ayaa haatan gaaray in ka badan 210 dal. Shanta wadan ee dadka ugu badan uu caalamka ku saameeyey xanuunkan ayey tirada dhimashadu kor u dhaaftay 20,000 oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here