Wasiirka caafimaadka XFS oo sheegaty in wasaaraddu ay u taagan tahay badbaadinta hooyada iyo dhallaanka

0
441

Sanad walba maanta oo kale 25-ka bisha April waxaa dunida laga xusaa maalinta Malaariyada ama Duumada maalintan ayaa loo aqoonsaday sanadkii 1897 xilligaas oo dhakhter kasoo jeeda dalka Uk oo la yidhaahdo sir Ronald ross ogaaday in dhiigaga kaneecada u gudbiyo cudurka duumada oo saameeyay kumanaan qof oo ku nool dunida daafaheeda kala duwan.

Goobaha ugu badan ee Cudurkan laga helo ayaa noqday wadama saxaraha ka hooseeya ee Qaarada Africa halkaas oo la sheegay in dad badan uu soo ritay qaarna u dhinteen cudurkan duumada.

Dalka Soomaalyia ayaa ka mid ah dalalka uu saamaynta badan ku yeeshay cudurkan duumadu waxa uuna sannadkasta soo ritaa boqolaal ruux oo isugu jira Caruur iyo kuwo da’ah.

Dhakhaatiirta adduunka ayaa sheegay in cudurkan duumadu fara ba’an ku hayo adduunka waxa uuna sababaa sannadkasta in ay u dhintaan dad badan kuwaas oo ku nool wadamo kala duwan.

sannadkan ayaa waxa uu kusoo beegmay xilli dunida uu saamayn ba’an ku hayo Cudurka Covid-19

Hadaba Wasiirka caafimaadka Dowlada Fedaralka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur oo maanta shir Jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho aya sheegaty in wasaaradda caafimaadku ay u taagan tahay badbaadinta hooyada iyo dhallaanka u dhimanaya cudurka duumada.

https://www.facebook.com/Waamoradio/videos/541588366784365/?t=38

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here