Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay 41 xaaladood oo ku soo korortay Covid-19

0
238

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo baxay oo nuqul kamid ah ay hehsey Wakaaladda Wararka SONNA ayaa waxaa ay ku faah faahisay xaalado cusub oo ku soo kordhay Covid-19.

Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 41 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 328 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.

Sidoo kale waxaa jirta ,2 qof oo u geeriyootay xanuunkaasi,waxaana tirada guud ay ka dhigaysaa 16 qof,sidoo kaleĀ  labo kale ayaa bogsootay,waxaana guud ahaan tirada bogsoshada noqonaysaa ilaa 8 ruux.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xakameyn lahaa faafidda xanuunkaasi,iyadoo ay socdaan dadaalo badan oo bulshada lagu bad-baadinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here