Dowladda Soomaaliya oo Amaro ku soo rogtay Gaadiidka Dadweynaha

0
378

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin horleh oo lagu xakameynayo faafitaanka Cudurka Coronavirus oo dad ay ugu dhinteen Soomaaliya kuwo kalena ay la jiifaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ku amray Darawalada Gaadiidka Dadweynaha ee ka Shaqeeya Muqdisho inay yareeyaan dadka badan ay ku qaadi  jireen Gaadiidkooda.

Waxaa uu sheegay in Gaarigii horay u qaadi jiray 30 Ruux hadda laga doonayo in uu qaado 15 Ruux,waxaana Ciidamada ilaalada deegaanka uu ku amrey inay tallaabo ka qaadaan ciddii aan u hogaansamin Amarka.

Tallaabadaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Dowladda Soomaaliya ay wax ka badashay Bandowgii saarnaa Muqdisho oo bilaabanaya 8:00 Fiidnimo laga dhigay  7:00 Fiidnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here