Jubbaland oo sheegatay in ay 100 kun oo Dollar ku bixinayso ka hor taga Covid-19

0
350
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Iydoo soomaaliya laga xaqiijiyay Kiisas badan oo cudurka Carono Verus ah isla markaana Dowlada Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ay Wadaan dadaalo Looga hortagaayo Sii Faafida Cudurkaan ayaa waxaa ay Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka hortagista cudurka Caronavirus ugu deeqday lacag dhan 100,000 $boqol kun oo dollar.
Arrintan ayaa Waxaa ku dhawaaqay madaxweyne ku-xigeenka 2aad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud,oo Ka hadlayay Shir looga Arinsanayay Ka hortaha Cudurkaan oo Ka dhacay aqalka martida ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here