Wasaaradda Caafimaadka XFS oo ka hadashay sababaha keenay korarka Covid-19

0
341

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya  Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa faahfaahin ka bixiyay kororka kiisaska cudurka karoona fayris, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka caafimaad ee wasaaradda iyo khubarada caafimaadka

Wasiir kuxigeenka oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu dalka kusoo kordhiyey Cudurka taasina ay ugu wacan tahay feejignaan la’aanta dadka Soomaaliyeed.

Waxaa uu ugu baaqay  shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan tallooyinka caafimaad ee wasaaradda iyo khubarada caafimaadka si looga digtoonaado faafida Cudurka Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here