Maraykanka oo qalab caafimaad ugu deeqay Soomaaliya

0
342

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Hay’adda USAID ee Maraykanka u qaabbilsan howlaha sama-falka ayaa Maanta Muqdosho soo gaarsiisay qalab caafimaad oo k kooban 350 Sariirood, furaashyadooda iyo agab kale oo la doonayo in uu wax ka taro dagaalka ay Dowladdu ugu jirto wax ka qabashada Cudurka Covid-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Dowladda Soomaaliya Drs.Fowsiya Abiikar Nuur oo qabaka kala wareegtay USAID ayaa Dowladda Maraykanka uga mahadcelisay deeqadan, waxanaay sheegtay in Wasaaraddu ay ku howlantahay sidii loo xakameyn lahaa xanuunka Corona virus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here