Amar ka soo baxay Puntland iyo Galmudug oo ka dhaqan galay Gaalkacyo

0
296

Gaalkacyo(Idaacadda Waamo)Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo wadajir shir ugu qabtay Magalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegeen in xaalad deg deg ah la galiyay magaalada Gaalkacyo.

Amarkan la xiriira xaalad deg deg oo ku soo kororta Galmudug iyo Puntland maadaama la helay Kiis cusub oo Covid 19 ah, bandawgaan ayaa saameynaya goobaha la isugu yimaado inkastoo aan faahfaahin laga bixin, iyadoo ujeedadana ay tahay si looga fagaado cudurka COVID 19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here