WHO oo Khuburo Caafimaad u soo dirtay Somaliland

0
377

Hargeysa(Idaacadda Waamo)Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland waxaa soo gaaray tiro khabiiro Caafimaad ah oo ay soo dirtey Hay’adda Caafimadka Adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (WHO).

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa Warbaahinta u sheegay in khabiiradaan Caafimaad ay tababar siin doonaan Dhalinyaro ku Shaqeyn doonta Qalabka lagu baaro Cudurka Coronavirus.

Waxaa uu sheegay in muddo laba bilood ah ay khabiiradaas joogi doonaan Soomaaliland,isla markaana ay ka faa’iideysan doonaan dhalinyaro farabadan oo Caafimaadka baratay balse aan helin tababarkii loo baahnaa.

Ugu dambeyn Agaasimaha waxaa uu sheegay in khabiiradaan ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay rakibi doonaan qalabka sidoo kale ay ka Shaqeysiin doonaan si Sheybaarka dadka looga shakiyo Cudurka Coronavirus loogu baaro

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here