Kismaayo-Idaacadda Waamo)-Kulan ay Yeesheen Xubno Ka socday Guddiga Kahortaga iyo Udiyaar garowga Covid19 iyo iyo Qaar kamid ah Madaxa Ururada Bulshada rayidka Jubbland ayaa Looga Hadlay Sidii La Isaga Kaashan Lahaa Wacyi galinta Bulshada ee Cudurka Caronavirus .
Labada Dhinac ayaa iska Wareystay Xaaladihii Ugu Dambeeyey ee Cudurka Covid19 ee Deegaanada Dowlad Goboledka Jubbaland Gaar ahaan Dhinacyada Wacyi Galinta Ku Dhaqanka Bandowga Habeenkii ee Lagu Soo Rogey Deegaamada Dowlad Goboledka Jubbaland iyo Maareenta Dadka Uu ku Dhaco Cudurkaan iyo Helida Agab Looga Hortago Caronavirus .
Cawke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.