Sacuudiga oo xayiraadii ka qaadey Xoolaha looga dhoofiyo Somalia

0
256

Riyaad(Idaacadda Waamo)Qoraal kooban oo ka soo baxay dowlada Sacuudiga ayaa lagu shaaciyey inay xayiraadii ay ka qaadeen Xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya ee loo iib geyn jiray dalkaasi Sacuudiga.

Qoraalka oo la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Wasaaradda Deegaanka Sacuudiga ayaa waxaa lagu yiriā€¯Sacuudiga waxaa uu xayiraadii ka qaadey Xoolaha looga keeni jirey Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa Sacuudiga uu xayiraad saarey Sacuudiga kana qaadey,waxaana tallaabadaan uu haatan qaadey soo dhaweeyey Ganacsatada Soomaaliyeed ee Xoolaha Nool u dhoofin jiray Sacuudiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay faah faahin ka bixiso tallaabadaan ay dowladda Sacuudiga xayiraada uga qaadey Xoolaha loo dhoofin jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here