Wabiga Shabeelle oo laga cabsi qabo in uu Fatahaad sameeyo

0
410

Baladweyn(Idaacadda Waamo)Maamulka Hirshabeele ayaa bilaabay qorshe looga hortegayo fatahaad uu sameeyo Webiga Shabeelle,maadama la guda-galay xili roobka Gu’ga oo ka da’ay deegaano badan oo ka tirsan Gobolada dalka.

Wasiirka Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle Xildhibaan Xaaji Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay bilaabeen qorshaha looga hortagyo fatahaada laga cabsi qabo inuu sameeyo Webiga Shabeelle oo dhowr jeer oo horey sameeyay fatahaado geystay saameyn xoogan.
Wabiga Shabeelle ee mara Saddexda Gobol ee Shabeelloyinka iyo Hiiraan ayaa fatahaadii ugu weyneyd wuxuu sanadkii tegay ee 2019 ka geystay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyada oo fatahaada ay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ka barakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here