Xildhibaan ka mid ahaa Golaha Shacabka XFS oo Muqdisho ku geeriyooday

0
296

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor dhow ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho sidda ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray Isbitaallo kala duwan oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Waxaa ku kacday Sokorta waxaana la dhigay Isbitaalka Digfeer oo ugu dambeyntii markii la xiray loo badalay Isbitaalka Yardiimi.

Aadan ayaa ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanada laga soo doorto degaanada maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here