Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xaqiijisay 20 kiis hore leh oo Covid-19 ah

0
339

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)- War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradad Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo nuqul kamid ah uu soo gaaray warbaahinta Qaranka ayaa lagu yiri”. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaaladda Caabuqa COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa qodobadan:

> Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24-kii saacadood ee dumbaysay, waxaa soo kordhay 20 xaaladood oo cusub, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 80 xaaladood.

> Waxaan bulsahda kula dardaarmaynaa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan.

> Haddii aad isku aragto calaamadaha Caabuqa COVID-19, isku karatiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir 449 si laguu siiyo talo caafimaad.

Tirada guud kiisaska la xaqiijiyay: 80

Kiisaska cusub maanta: 20

Tirada Bogsootay: 2

Tirada Dhimashada: 5

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here