Guddiga ka hortaga Corona Virus ee Jubbaland oo xaqiijiyay labo kiis oo Covid-19 ah

0
424

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Iyadoo ay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ay wado qorshayaal dhowr ah oo lagu xakameynayo Cudurka Corona virus ayaa waxaa maanta Magaalada Kismaayo shir deg-deg ah ku yeeshay Guddiga ay Jubbaland u xil saartay ka hortaga Corona Virus wax ayna xaqiijiyeen in labo kiis oo cudurkan ah laga helay magaalada Kismaayo iyado ay baaritaano ku Socdaan tiro kale oo looga shakisan yahay in ay qabana cudurkaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxmaed Warsame Darwiish ahna  guddoomiyaha guddiga ka hortaga Caabuqa Corona Virus ee Jubbaland waxaa warbaahinta u faah faahiay kiisaskan iyo baaritaanada socda.

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here